Home Afsomali RW Xasan Cali Kheyre ayaa sidii Caadada u aheyd kormeer ka dis...

RW Xasan Cali Kheyre ayaa sidii Caadada u aheyd kormeer ka dis ah ku tahay wasaarad kale

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa  kormeeray wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska si uu ugu kuur galo habsami u socodka qorshayaasha hor-tebinta leh ee horay wasiirku u ballan qaaday in loo fulin doono hannaanka ugu habboon iyo waqtiga ugu dhaqsaha badan.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la qaatay wasiirka wasaaradda,  Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo uga warbixiyay hawlaha ka socda wasaaradda ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirka faray in uu laba jibbaaro dadaallada lagu dardar-gelinayo dhammaystirka qorshayaasha qabyada u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaaraha ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxa uu sidaan oo kale kormeer ugu tegay wasaaradaha caafimaadka, shaqada iyo arrimaha bulshada, hawlaha guud, beeraha, xannaanada xoolaha, ganacsiga, dekadaha iyo gaadiidka hawada.
Kormeerrada joogtada ah ayaa qeyb ka ah hannaanka kor-joogtaynta ee R’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasiirradda xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka dhabta ah iyo daah-furnaanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.