Home Afsomali RW Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo diyaarad ku gaaray...

RW Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo diyaarad ku gaaray Magaalada Baydhabo ( DAAWO SAWIRADA )

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ra”iisul Wasaaraha dalka waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey masuuliyiinta dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya oo uu ugu horeeya Madaxweyne Shariif Xasan iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa magaalada Baydhabo kaga qeyb gali doona Shirka golaha amniga Qaranka oo lagu wado berri oo isniin ah  inuu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dawlad goboleedka Koofur Galbeed.

Shirkaas waxaa sidoo kale ka qayb galaya madaxda dawlad goboleedyada iyo laamaha kale ee dawladda, waxaana diiradda lagu saari doonaa xaaladda amni ee dalka, xoojinta dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab iyo arrimaha siyaasadda.

Ajandayaasha shirka waxaa ka mid ah doorashooyinka soo socda sidii loo qorshayn lahaa iyo geedi socodka dhamaystirka Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.