Home Afsomali RW Xasan Cali kheyre oo raali galin ka bixiyey weerarkii lagu qaaday...

RW Xasan Cali kheyre oo raali galin ka bixiyey weerarkii lagu qaaday beertii Madaxweyne Adan cade ee Janaale

Sida uu BBC u sheegay Dr Siciid Aadan Cadde oo ka mid ah qoyska madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), “ciidammo Soomaali ah oo si gaar ah u tababaran ayaa soo galay beerta Aadan Cadde ee ku taalla nawaaxiga degmada Janaale laba habeen ka hor, goor habeen-bar ah”.

Wuxuu intaa ku daray in ciidankaas ay wararka ku soo gaareen in ay la socdeen laba dayaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee Helikobtarka.

“Beerta Aadan cadde meel u dhow ayey ku soo degeen, laakin markii dambe ayey beerta u soo gudbeen, waxayna u sii dhaafeen guri beerta ku dhex yaallay oo uu ku noolaa madaxweynihii hore, Aadan Cabdulle”

Dr Siciid oo xilliga uu BBC la hadlayey ku sugnaa Muqdisho wuxuu kaloo intaa raaciyey in loo sheegay askartaas in guriga “uu yahay kii madaxweyne Aadan Cadde, balse ay xoog ku jabiyeen, ayna qateen alaab dhex taallay”.

Wuxuu kaloo intaa ku daray in seddex wiil oo halkaa joogay ay iyagana kaxaysteen.

Fiidiyow baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya khasaaraha burburka leh ee soo gaaray dhismaha guriga ku dhex yaalla beerta Aadan Cadde ee uu ku noolaa madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya, tan iyo markii uu siyaasadda ka fariistay.

Dawladda Soomaaliya weli si toos ah ugama hadlin arrintan, laakinse wuxuu Dr Siciid Aadan Cadde BBC u sheegay in qoyska reer Aadan Cadde uu shakhsi ahaan la soo xiriiray ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre “oo raalligelin ka bixiyey falkii dhacay”.

Beerta iyo gurigaba waxay ka badbaadeen dawladihii dalka soo maray, dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, iyo Al Shabaab, waana markii ugu horraysay ee la weeraro guri uu leeyahay madaxweyne hore oo Soomaaliyeed.

Wuxuu Dr Siciid Aadan BBC u sheegay in qaybta la jabiyey ee guriga oo ah halkii uu ku noolaa allah u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde, aan la degganayn oo ay iska xirnayd, tan iyo markii uu dhintay marxuumku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.