Home Afsomali RW Xasan Cali Kheyre sidii loogu soo dhaweeyey Garawe ( DAAWO SAWIRADA...

RW Xasan Cali Kheyre sidii loogu soo dhaweeyey Garawe ( DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta dawlad Gobaleedka Puntland, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho maalma qaadaneysa oo uu ku marayo magaalooyinka iyo deegaannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ku-xigeenjiisa, xubna kamid ah baarlamaanka iyo golaha wasiirrada Puntiland iyo kummannaan bulshada qaybaheeda kala duwan ka socda ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garowe, waxa intaa kadib Ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga la socday loo galbiyay barxadda Garowe oo uu kula hadlay kummannaan ruux oo isugu soo baxay soo dhawayntiisa.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa madaxda iyo bulshada dawlad gobaleedka Puntland ayaa uga mahad-celiyay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyay isaga oo ku ammaanay dawrkooda wanaagsan ee ay ku leeyihiin nabadeynta, midaynta iyo horumarinta deegaanka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maalmaha uu ku suganyahay Puntland waxa uu ka qayb gelayaa Munaasabadda 20 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska maamulka Puntland, isaga oo kulamo la qaadanaya madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

—DHAMMAAD—-

 

 

 

 

M

5
268A6876
268A6902
29
31
281A5835
1
11
D37A6062
24
16
2
8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.