Home Afsomali Saaxiibada Guusha Siyaasada Somaliland, Faalo

Saaxiibada Guusha Siyaasada Somaliland, Faalo

Saaxiibtinimada Guusha Siyaasadu, waa arin u baahan is-fahan haboon iyo is-aaminaad fog oo sal-balaadhan, kuna fadhida kalsooni baaxadle oo seeskeedu adag yahay, taasi oo ay yar-tahay in la helo, Koox Siyaasiyiin ah bud-dhiga, saaxiibtinimo siyaasadeed oo waarta, taasi oo lagu gaadho guulo siyaasadeed oo hayaankoodu dheer yahay.

Hadaba dalkeena Somaliland, waxa ka hana-qaaday Koox Siyaasiyiin ah, oo ka midho-dhaliyey, Saaxiibtinimo Siyaasadeed gun-dheer oo lagu gaadhay guulo siyaasadeed oo hirgaliyey, himiladoodii siyaasadeed ee ay seeska adag u dhigeen, kuwaasi oo hal-tusaale la-higsan karo u noqday, dhamaan siyaasiyiintii hanka lahayd ee Soomaaliyeed guud ahaan-ba, gaar ahaana bah-weyntii Siyaasada ee Somaliland.

Kooxdan hormuudka tusaalaha ah u noqday Saaxiibtinimada Guusha Siyaasada Somaliland, oo kala ah 1. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, 2. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arimaha Gudaha JSL, Mud. Maxamed Kaahin Axmed, iyo Gudoomiye Axmed Cabdi Xuseen ( Axmed C dheere)

1. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), Madaxweynihii 4’aad ee JSL, isla markaasina ahaa Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee soo hogaamiya ururkii SNM, ayaa isagu ah sidoo kale odayga saldhiga iyo sababtaba u ahaa, Saaxiibtinimadan Guusha Siyaasada Somaliland, ee qormadeenani ku saabsan tahay, taasi oo uu seedkeeda unkay, wakhti-dheer oo ku siman xiligaas uu ahaa Gudoomiyaha  Ururka SNM.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, oo kamida hogaamiye-yaashii JSL, hogaamintooda soo mahadisay isla markaasina mudada dheer halganka iyo dadaalka badan galiyey sidii qaranka loo gaadhsiin lahaa, hir-barwaaqo iyo himilo durugsan oo aayaheeda ay intifaac-sadaan jilaalka danbe ee u kacaaya JSL, ayaa sida ka muuqata guulaha siyaasadeed ee uu qaranka gaadh-siiyey iyo sidoo kale guulaha siyaasadeed ee saaxiibtinimada gunta-dheer ku fadhida ee uu isagu unkay sababteedana lahaa, taasi oo sida taariikh-da gashay noqotay, nidaam mucjiso ah oo tusaale iyo hiigsi ku dayasho leh u noqotay dhamaan Siyaasiyiintii reer Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrikaba.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, oo sidaan xusnay ahaa macalinkii aas-aasay, bud-dhigana ka ahaa Saaxiib-tinimadan Siyaasadeed ee guulaha waa-weyn lagu gaadhay, ayaa  isaga oo ka faa’idaynaaya waayo-aragnimadiisa siyaasadeed, waxa uu aas-aasay xisbiga Kulmiye, isagoo isla markaasina soo urursaday saaxiibadiisii siyaasadeed ee ay mudada dheer kusoo wada jireen saaxadahii kala duwanaa ee siyaasada halganka iyo hogaaminta dalkaba, taasi oo uu diyaariyey qorshe dheer oo xisbigan uu aas-aasay ee Kulmiye guulahiisa siyaasadeed kusii hogaamin karo dalka, guusha doorashada madaxweyne ee ugu horeysa ee xisbigu talada dalka ku hantiyo kadib.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, ayaa marka laga yimaado hoodadiisa gaarka ah iyo taariikhdiisa halgan iyo hogaamineed ee qaranka, waxa si-gaar ah taariikhdu ugu xusi-doontaa laba qodob oo qarankana u guula isagana gaar ahaantiisa u karaamo ah, kuwaasi oo kala ah:-

1. Sidii milgaha iyo dal-jacaylka lahayd ee uu u aqbalay, 80-kii cod ee lagaga helay Doorashadii 2003 ee madaxtooyada.

2. Sidoo kale Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, waxa ay taariikh-du xusi-doontaa sidii milgaha lahayd ee uu uga tanaasulay inuu mar labaad u tartamo doorashada madaxtooyada ee 2017 iyadoo sharciga dalka iyo ka xisbiguba u saamaxaayey, taasi oo guud ahaan dunida tustay bisaylkeena siyaasadeed ee dawladnimi iyo qaran-nimaba, waayo inta badan dalalka ay jaarka nahay iyo guud ahaan qaarada Afrikaba, kama dhacdo madaxweyne jaanis uu ku tartamo helaaya oo uga tanaasula hogaaminta dalka jiilaalkii ka danbeeyey, una haneeya talada iyo hogaaminta qaranka inay markooda hantaan, taasi oo ah qodob sharaf iyo karaamo u ah guud ahaan qaranka JSL.

2. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha hada talada dalka haya, Md.Muuse Biixi Cabdi, oo sidoo kale ah Gudoomiyihii 2’aad ee hogaamiya xisbiga Kulmiye, haatana haye xilka gudoomiye-nimo, ayaa isna kaalintiisii si guusha ee hayaanka hirgalinta guusha siyaasada xisbiga, Alle ku guuleeyey, kadib markii uu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee 13 Nov 2017, taasi oo dhankiisa geedi socodkii guud ee guusha qaranka halkii ay joogtay kasii libin-laabay

Madaxweynaha 5’aad ee JSL, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu kamid ahaa hogaamiye-yaashii halgankii dalka dib loogu soo xoreeyey, isagoo isla markaasina ah siyaasi rug cadaaya oo hore usoo qabtay xilka Wasiirka Arimaha Gudaha ee JSL, xiligii xukuumadii Madaxweyne cigaal. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sidaan xusnay ah, mudanaha 2’aad ee kooxdan guusha Saaxiibtinimada Siyaasada, ayaa sidoo kale waxa uu mudo dheer ahaa saaxiibka koobaad ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyagoo isla markaasina mudadii dheerayd ee ay kusoo wada-jireen saaxada siyaasada soo wada maray, waayo badan ay dhabar-adayg iyo kalsooni saaxiibtinimo kaga soo gud-been, taasi oo ay aakhirkiina kaga guulaysteen kooxihii siyaasiyada ee kale.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa mudadii uu hayey xilka Madaxweyne-nimada JSL, ayaa waxa uu hirgaliyey hanaan dawladeed oo nidaam iyo kala danbayn hufan leh, isagoo isla markaasina ku guulaystay waxqabad mugle oo mudada kooban ee u xilka hayey ka hirgaliyo guud ahaan gobolada JSL, kuwaasi oo ku salaysan hanaan cadaaladeed oo si siman looga hirgaliyey dalka oo dhan. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale waxa uu xukuumadiisa u xushay gole wasiiro ah oo 75% dhalinyaro ah, isagoo sidoo kalena sameeyey barnaamijka Shaqo Qaran oo ah barnaamij qiimo mugle ugu fadhiya guud ahaan qaranka Somaliland gaar ahaana dhalinyarada waxbaratay ee JSL, kaasi oo yidi-diilo iyo rajo aad u weyn galiyey bulshada. Barnaamijkan oo ah nidaam cadaaladeed oo si furan ugu tartanto ardayda jaamacadaha kasoo baxday ee reer Somaliland kuwaas oo si siman ugu tartama, isla markaasina inta ku galaysata imtixaanka loogalaayo, loo tababaro marka ay dhamaystaana sitoosa uga shaqo-gala haayadaha dawliga ah ee dalka ka jira, taasi oo ah talaabo qiimaheeda leh oo qarankeena JSL, ku talaabsaday.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu talaabo horumar oo la taaban karo ka sameeyey dhinaca siyaasada arimaha dibada ee dalka taasi oo mudadii uu xilka hayey ay si-weyn kor ugu kacday sumcada iyo siyaasada caalamiga ah Somaliland taasi oo sababtay in Warbaahinta Caalamku si weyn u qaadaa-dhigto, Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.

3. Wasiirka Arimaha Gudaha JSL, Mud. Maxamed Kaahin Axmed, oo kamid ahaa Saraakiishii ugu hor talaabay ee halgankii SNM, isagoo isla markaasina xilal kala duwan kasoo qabtay ururkii SNM, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa sidoo kale waxa uu xilka Wasiirka Gaadhaan-dhiga kasoo noqday xukuumadii ugu horeysay ee JSL ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Wasiirka Arimaha Gudaha JSL, Mud. Maxamed Kaahin Axmed, oo ah mudahana sadexaad ee kooxdan Guusha Siyaasada Somaliland, ayaa sidoo kale waa saaxiibka koobaad ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo shaqsiga ugu dhaw ee ay jaal-waaga ahaayeen taariikh dheer, taasi oo ay saaxiibtinimadoodu soo jirtay mudo ku siman ilaa dhalinyaro-nimadoodii, Saaxiibtinimada labadan masuul ee soo-jireenka ah, ayaa wax ay bulshadu ku sifaysaa mid naadir ah oo ku yar guud ahaan bulshada Af-ka Soomaaliga ku hadasha, taasi oo sidoo kale ku dhisan kalsooni iyo is-fahan dabci iyo dadnimo oo sal-dheer.

Saaxiibtinimada Wasiir Kaahin iyo Madaxweyne Biixi, oo ay sidoo kale bulshadu ku majiirato wada-jirkooda saaxiibtinimo ee waartay, ayaa waxa ay labadan masuul kusoo wadaageen wakhti iyo waayo badan oo adag kuwaasi oo ay kaga soo gud-been waayo-aragnimo bisayl siyaasadeed oo baaxad leh, taasi oo ay ugu danbayntiina ku hanteen midhiii guusha ee ay waayaha badan wadajirka ugu soo halgamayeen.

Saaxiibtinimada labadan masuul ayaa guud ahaan bulshada JSL iyo gaar ahaan bah-weynta Siyaasada Somaliland ka baran kartaa dheefta iyo midhaha saaxiibtinimada dhabta ah ee saldhigeedu yahay kalsoonida iyo wadajirku.

4. Gudoomiye Kuxigeenka 2’aad ee Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Cabdi Dheere, oo ah mudahana sadexaad ee kooxdan Guusha Siyaasada Somaliland, ayaa haatan waxa uu kamid yahay masuuliyiinta ugu miisaanka culus ee hogaamiya xisbiga Kulmiye, isla markaasina kamida siyaasiyiinta bulshadu xushmada badan u hayso, ayaa waxa uu kamid ahaa shaqsiyaadkii ugu horeeyey ee aasaasay xisbiga Kulmiye sida uu ina tusaayo tira kaadhkiisa golaha dhexe oo ah A-03 oo macnaheedu noqonaayo inuu yahay xubinta sadexaad ee xisbiga, ayaa sidoo kale waxa uu kamid yahay shaqsiyaadka ilaa aas-aaskii xisbiga usoo dhabar adaygaayey hogaaminta iyo horumarinta himilada iyo hiigsiga xisbiga, kaasi oo duruufo badan oo adag kala soo dabaashay.u

Gud. Axmed Cabdi Dheere oo kamida shaqsiyaadka ay iskugu dhaw yihiin Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu kamid yahay saaxiibadii tirada yaraa ee maalmihii adkaa kusoo hadhay Madaxweyne Muuse Biixi, marxalado badan oo adagna la-soo wadaagay. Gudoomiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa sidoo kale ah siyaasi bilaa godob ah oo bulshadu ogoshay, isla markaasina aan ku-sifoobin, qabyaalad, qaybin eex iwm

Dhinaca kale Gud. Axmed Cabdi Dheere waa siyaasi ka-soojeeda beesha Garxajis, isla markaasina saamayn siyaasadeed oo mug culus ku dhex leh, taasi oo uu ku guulaystay doorashadii kadib inuu xaliyo iskuna soo dhaweeyo kala fogaanshihii beeshiisa iyo xukuumada Madaxweyne Muuse ee ka dhalatay xurjuftii doorashada, xalinta arintan oo marxalado badan uu la maray ayaa ugu horeyn waxa uu 100% kasbaday bulshada kasoojeeda deegaanka bariga Hargeysa oo uu ardaa ahaan isagu kasoojeedo, deegaankan oo markii hore xisbiga wadani taageerada ugu badan ka haystay ayaa haatan uu kala wareegay 100% taasi oo cadaatay bishii hore markii xisbiga Waddani mudaharaadka ku baaqay in la iskugu yimaado xarunta guud ee xisbiga oo ku taala xaafada bariga Hargeysa, taasi oo ay kasoo horjeesteen dadweynaha deegaankaasi iyagoo isla markaasina dhalinyaro iyo waayeel ka istaagay mawqif midaysan kana diiday xisbiga Waddani inuu xaafadooda ka mudaharaado, arintan oo banaanka usoo saartay sida uu xisbiga Waddani faro madhan uga taagan yahay taageeradii uu hore uga haystay deegaankan.

Hadaba Maxaa laga baran karaa, Saaxiibtinimadan guulaysatay ee ay kooxdani ku hantiday Guusha Siyaasada…?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.