Home Afsomali Saaynisyahano Kenyan ah oo markii ugu horeysay taariikhda geeska Africa hawada u...

Saaynisyahano Kenyan ah oo markii ugu horeysay taariikhda geeska Africa hawada u ganay dayaxgacmeyd iyo Soomaaliyey dig u dhigashada …

Dalka Kenya ayaa ku guuleesatay in markii ugu horeesay Dayax Gacmeed lagu farsameeyay gudaha Kenya in hawada sare loo diro, waxa ayna Kenya noqotay dalkii ugu horeeyay oo geeska Afrika kuyaala oo Dayax Gacmeed hawada u dira.

Jaamacada Nairobi waxaa isugu tagay Saaynisyahano Kenyan ah, khuburro ka socotay dalka Japan, ardey iyo  marti sharaf kala duwan kuwaa  oo si toos ah u daawanayay munaasabada xariga looga jarayay sidoo kale hawada loogu dirayay Dayax gacmeedkan.

Dayax gacmeedkan Kenya hawada sare u dirtay waxaa ka caawisay dowladda Japan oo maalgelisay mashruucan iyo lacagta ku baxday, waxaana Dayax Gacmeedkan lagu sheegay baaxaddiisa 10 sentiimiitar oo afar gees ah.

Waxaa laga diray Dayax Gacmeedkan xarun kutaala magaalada Tokyo ee dalka Japan, waxaana dayax gacmeedkan loogu magacdaray Nano hawada u dirtay waaxda caalamiga ah ee JAXA ee dalka Japan .

Dalka Kenya ayaa kamid noqday lix wadan oo Afrikan ah oo horey ugu guuleestay in hawada sare u diraan Dayax Gacmeed, waxaana Dayax gacmeedkan Kenya ka caawin doona arrimaha beeraha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa xebeehda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.