Home Afsomali Saciid Dani Axmed Mdoobe inta dowladu ka caleemo saareyso kama qeybgalayo shirka...

Saciid Dani Axmed Mdoobe inta dowladu ka caleemo saareyso kama qeybgalayo shirka Muqdisho

Maamulka Puntland ayaa gebi ahaanba qaadacday Shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya, kaasoo maanta oo 1-da October tahay ka furmaya magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo lagu casuumay shirka ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galka shirka, isagoo dalbaday in isna la casuumo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka ay sheegtay in aanay aqoonsaneyn.

Shirkan oo ay agaasinkeeda laheyd dowladda Federaalka ayaa casuuntay Wasiirka Maaliyadda

Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan oo ay ka qeyb galayaan illaa 50 dowladood oo ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa durba uu muujinayaa khilaafka dhinacyada siyaasadda Soomaaliya gaar ahana dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo gacan saar la leh dowladda Federaalka ayaa shirka ka qeyb galaya, sidoo kale waxaa la leeyahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo habeen ka hor ku dhawaaqay inuu wakaaladiisa dib ugala soo noqday dowladda Federaalka ayay u badan tahay inuu ka qeyb geli doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.