Home Afsomali  Saciid Deni oo ku qancay xil la siiyey wiilkiisa mucaaradnimadiina halkaa uga...

 Saciid Deni oo ku qancay xil la siiyey wiilkiisa mucaaradnimadiina halkaa uga haray

 Saciid Deni oo ku qanciyey xil la siiyey wiilkiisa mucaaradnimadiina halkaa uga haray

Caasimada Online / Asad Cabdullahi Mataan / 2 hours ago

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xubin cusub loogu daray Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA), si loogu qanciyo inuu mucaaradada ka daayo heshiisyada shidaalka Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubintaas uu yahay Cabdullaahi Siciid Cabdullaahi Deni, oo ah wiilka Deni, kadib markii Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya heshiis hoose ka gaareen khilaafkii ka taagnaa Arrimaha Shidaalka.

Maamulka Deni ayaa 5-tii bishii July 2021 shaaciyey inaysan gebi ahaanba aqoonsanayn hay’adda Batroolka u qaabilsan dowladda Soomaaliya ee Somali Petroleum Authority, kana soo horjeedaan dhaq-dhaqaaqyada shidaal ee dowladda fedeaalka.

Si katsaba, Puntland ayaa 25-kii October ka laabatay go’aankaas waxayna taageertay heshiiska wadaagga wax soo-saarka shidaalka ee ay kala saxiideen dowladda federaalka iyo shirkadda Coastline Exploration.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo hadal ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 51-aad baarlamaanka, ayaa sheegay in Puntland soo dhaweynayso ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadkaas.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya, sidaa daraadeed waxay Puntland diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadka dabiiciga ah,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Xasan Sheekh uu Deni ku qanciyey inuu xubin ugu daro Hay’adda Batroolka Soomaaliya, waxaana kadib la xalliyay khilaafkii Arrimaha shidalka ee dowladda Federaalka iyo Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 21-kii October ogolaatay heshiiskii muranka badan dhaliyey ee u dhaxeeyey Soomaaliya Shirkadda Coastline Exploration, kaasi oo ay horey u diiday dowladdii madaxweyne Farmaajo.

Heshiiskaas oo uu saxiixay wasiirkii hore ee batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxaa diiday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Roooble, balse shirkadda Shirkadda Coastline Exploration ayaa ku adkeysatay inuu yahay mid sharci ah oo aan laga bixi karin. 

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda ay shan qodob ka bedeshay heshiiskaas, ayada oo la kaashaneysa garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah kadibna dhameystirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.