Xajka ayaa sii socon doona bisha soo socota laakiin iyada oo “aad u xadidan” tirada xujaajta loo oggol yahay inay ka qayb qaataan, Saudi Arabia ayaa Isniintii sheegay.
Go’aanka waxaa loo qaatay khatarta joogtada ah ee ka dhaceysa cudurka faafa ee coronavirus iyo in la ilaaliyo “caafimaadka guud ee bulshada,” ayay tiri Wasaaradda Xajka iyo Cumra ee Sacuudiga.
Xajka ayaa ka qeyb qaadan doona jinsiyado kala duwan oo horey u deganaa Sacuudi Carabiya.
Qiyaastii 2.5 milyan oo xujaaj ah ayaa gutay Xajka sanadkii la soo dhaafay laakiin qiyaasta socota iyo fiditaanka COVID-19 adduunka oo dhan waxay ka dhigan tahay dadku ma awoodi doonaan inay u safraan Boqortooyada si ay uga qeybqaataan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aanka la gaadhay “iyadoo la eegayo sii socoshada masiibada iyo halista Coronavirus ee ku fidaysa meelaha dadku isugu badan yihiin iyo meelaha waaweyn.”
Bayaanka ayaa lagu yiri: “Tiro aad u kooban oo xujaaj ah oo ka kala yimid wadamo kala duwan oo horey u deganaa Sacuudi Carabiya, ayaa awoodi kara inay gutaan.
“Go’aankaan waxaa loo qaatey in lagu hubiyo in Xajka loo sameeyo hab amaan ah marka loo eego aragtida caafimaadka bulshada iyadoo la fiirinayo dhamaan talaabooyinka ka hortagga iyo borotokoollada bulshada ee lagama maarmaanka ah.”
Sanadkii la soo dhaafay, in kabadan 1.8 milyan oo xujaaj ah ayaa u safray Saudi Arabia dibedda si ay uga qeybqaataan. Wasaaradda Xajka ayaa sheegtay sanadkan qatarta u gudbinta cudurka ee udhaxeysa wadamada iyo kororka cudurada ku faafaya aduunka oo dhan ay macnaheedu tahay in halista ay aad u sarayso.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ahmiyada ugu weyn ee Sucuudiga ay tahay in markasta la suuro galiyo xujayda muslimiinta ah inay gudan karaan Xajka iyo Cumrada si amaana oo aamin ah.
Golaha Aqoonyahannada Sare ayaa sheegay Isniintii inay taageersan yihiin go’aanka Boqortooyada ee xaddidaya tirada xujayda si loo ilaaliyo caafimaadkooda iyo ammaankooda.
Dhanka kale, Wasiirka Awqaf ee Masar, Maxamed Mokhtar Gomaa, ayaa sheegay in marka la eego faafitaanka cudurka faafa ee coronavirus, dalkiisu sidoo kale uu taageersan yahay go’aanka Boqortooyada ee lagu xaddidayo tirada xujeyda, taas oo ku saleysan dhalasho sidoo kale.