Home Afsomali Sacuudiga oo xiray oo muwaadin Mareykan ah xilli ay xiisad kala dhaxeyso

Sacuudiga oo xiray oo muwaadin Mareykan ah xilli ay xiisad kala dhaxeyso

Muwaadin Mareykan ah oo lagu xiray dalka Sacuudi Carabiya ayaa loo ciqaabayaa qoraallo uu soo dhigay twitter-ka oo la xiriira mowduucyo ay ka mid yihiin dagaalka Yemen iyo dilkii 2018 ee weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas AFP u sheegay wiilkiisa.

Saad Ibrahim Almadi, oo ah 72 jir asal ahaan kasoo jeeda Sacuudiga, ayaa waxaa bishan lagu xukumay 16 sano oo xabsi ah.

Kiiskan ayaa kasii daraya xiisadda markii horeba kacsaneyd ee ka dhex-oogan Riyadh iyo Washington oo muddo fog saaxiibo ahaa balse hadda isku haya go’aanka ay dalalka OPEC+ ku dhimeen wax soo-saarka saliidda.

Almadi ayaa la xiray markii uu Sacuudiga yimid bishii November ee sanadkii tegay si uu laba toddobaad oo safar ah ugu bixiyo, waxaa sidaas sheegay wiilkiisa Ibrahim oo toddobaadkan shaaciyey kiiska.

Ibrahim ayaa ku dhaleeceeyey saraakiisha Mareykanka inay ku guul-darreysteen inay xaqiijiyeen sii dayntiisa.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay “si joogto ah oo xooggan ay walaaca kiiskan ula wadaagtay xubno sare oo ka tirsan dowladda Sacuudiga,” islamarkaana u sheegtay “In xoriyadda hadalka aysan marnaba aheyn in dambi laga dhigo.”

Arbacadii, Ibrahim ayaa AFP la wadaagay liiska qoraallada Twitter-ka ee caddeyn ahaanta loogu adeegsaday aabihiis — xogtaas oo uu sheegay in sidoo kale ay xaqiijisay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Waxaa ku jira qoraallo la xiriira canshuuraha, burburinta goobo ka mid ah Makka iyo magaalada Badda Cas ku taalla ee Jeddah.

Mid ka mid ah qoraallada ayaa su’aalaya sababta mas’uuliyiinta Sacuudiga aysan u awoodin inay ka hortagaan weerarada Xuutiyiinta Yemen.

Qoraal kale ayaa ku saabsan “naf-hurnimada” Kaashuqji, kaasi oo dilkii ay wakiilo Sacuudiyaan ah ugu dhex gaysteen qunusliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2018 uu dhaliyey caro caalami ah.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sidoo kale taleefonka Almadi ka helay sawir gacmeed aysan jecleysan oo laga sameeyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, sida uu sheegay Ibrahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.