Home Afsomali Saddex nin oo Somali British ah oo lagu dilay weerarkii hotelka Muqdisho

Saddex nin oo Somali British ah oo lagu dilay weerarkii hotelka Muqdisho

Sideedda qof ee shacabka ah ee ku dhintay weerarkii dableyda Al Shabaab ka gaysatay Hotelka Villa Rays ayaa waxay saddex ka mida ahayd qurbajoog haysatay dhalashada Birtain.

Raggan ayaa Magaalada Muqdisho ku booqanayay eheladooda oo degan magaalada, iyadoo laba ka mida ay deganeyd Magaalada Birmingham, halka kan kalena uu ku noollaa Caasimadda London.

Raggan ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xasan Cilmi, Cabdulqaadir Cabdullaahi Axmed iyo Jamaal Maxamed Baxle.

Maxamed Xasan iyo Cabdulqaadir Cabdullaahi ayaa ka mid ahaa Guddiga Masjidka Al Raxma ee Magaalada Birmingham, halka Jamaal Baxle uu nin ganacsade ahaa.

Maxamed Cumar Cilmi oo ehel yihiin dhibaneyaasha ayaa yiri “Xaasas iyo carruur baa u joogay Magaalada Muqdisho, booqashooyin iyo waalidiin xanuunsan ayay safaradooda isugu jireen.”

Maxamed Cumar ayaa tilmaamay in saddexduba ay muddo dheer deganaayeen dalka dibaddiisa, haddana meydadkooda laga soo saaray goobtii lagu dilay, aaskoodana la qaban-qaabinayo.

“Maxamed Xasan Cilmi iyo Cabdulqaadir Cabdullaahi Axmed waxay deganaayeen Magaalada Birminghman, Jamaal Maxamed Baxle isna wuxuu deganaa Magaalada London.” Ayuu yiri Maxamed Cumar oo VOA la hadlay.

“Cabdulqaadir Cabdullaahi hadda wuxuu ahaa Gudoomiyaha Masjidka Al Raxma, horeyna wuxuu Gudoomiye u ahaan jiray aasaasayaashii, waxaa jirta waqti dhexe oo wadanku ka maqnaa oo uu wareejiyay, laakiin hadda Maamulka Masjidka ayuu hayay, Maxamed Xasan sidoo kale raggii Masaajidka aasaasay buu ka mid ahaa.” Ayuu yiri Maxamed Cumar oo intaasi ku daray in dadka reer Birmingham ay ka murugoodeen dilkooda.

“Waxay ahaayeen laba nin oo culimo ah oo aqoonyahan ah, reer nabadoono ah oo dad aad u dun wanaagsan ah, isku wadka iyo xiriirinta Soomaalida Magalaada Birmingham iyo agagaarkeeda aad looga yaqaanay.” Ayuu yiri Maxamed Cumar.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay shan iyo toban qof oo isugu jira sideed qof oo rayid ah, hal askari iyo lixdii nin ee weerarka soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.