Home Afsomali Safaarada Ethiopia oo saxaafada Somalia ku rusheysay Fikirkeeda gaarka ah in...

Safaarada Ethiopia oo saxaafada Somalia ku rusheysay Fikirkeeda gaarka ah in ay ku shaqeeyaan

Waxaa magaaladda Muqdisho shir kuqabtay Safaaradda Itoobiya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, Shirkaan oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa oo kale  ayaa ujeedadiisa waxay ahayd in la iskusoo dhoweeyo Shacabka labadda dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Masuuliyiin kasocday Safaaradda itoobiya ayaa waxay sheegaan in labadda hogaamiye ee Soomaaliya iyo itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashi maadama labada dal aysan kala maarmin. Sidaas awgeed loo baahan yahay in la iskusoo dhoweeyo quluubta labadda shacab, colaadii iyo dagaaladdii hore ee labadda dal dhex marayna la soo afjaro oo laga gudbo.

Si Ujeedadaas loogaaro Masuuliyuuntu waxay warbaahinta ka cosadeen in ay qayb qaataan siddi shacabka labada dal looga dhex abuuri lahaa isjacayl, caadifadda iyo isnacaybkii horena quluubtooda looga saari lahaa.

Xiriirka Abiy Ahmed iyo Farmaajo

Dad badan baa qirsan in uu jiro xiriir xoogan oo ka dhaxeeya Abiy Ahmed iyo Farmaajo. Dadka siyaasadda ka faalooda baa sababta ku sheegay in ay tahay in Siyaasiyiinta Soomaalida iyo Oromada doonayaan in labadda qowmiyadood la isku soo dhoweeyo maadama labadda qoymiyadood ay wadda tirsan yihiin bahwadaagta Kushitik (Cushitic).

Waxaa xusid mudan in luuqaddaha labadda qowmiyadood ee Soomaaliga iyo Afaan Oromo ay leeyihiin waxyaabo badan ee ay isaga egyihiin, Sidoo kale waxaa jira qabiil Oromada kamid ah oo lagu magacaabo Samaale. Dhinaca Soomaalida Samaale waxaa ka tirsan beelaha Dir iyo Hawiye. Taas waxay aqoonyahanno badan tusisaa qaraabonimadda ka dhaxaysa labada qowmiyadood.

Nasiib xumo, dagaaladdii ka dhex dhacay Soomaalida itoobiya iyo Oromada ayaa shacabka labadda qowmiyadood aad u kala fogeeyey. Sidaas awgeed, in labada shacab la isku soo dhoweeyo waxay u baahan tahay dadaal dheer.

Faaiidada Iskusoo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Inkastoo labada dal ay dagaalo khasaaro badan dhaliyey ka dhex dhaceen, Balse maanta Aduunyadda waxaa kajirta isxulufaysi sidda in dalal badan ay kumidoobaan hal urur, siddoo kale dalalka aduunka maanta aad bay isagu xiran yihiin (globalised), waxayna noqotay siddii hal xaafad taasoo kor u qaaday xiriirka ganacsi iyo isdhexgalka dadka.

Ganacsatadda Soomaaliyeed baa aad iyo aad u daneeya in ay badeecadooda u suuqgeeyaan dalka itoobiya maadama Itoobiya leedahay dad tiradooda lagu qiyaaso 100 million, Soomaalida itoobiya kunool waxaa iyanna lagu qiyaasa 8 million. Marka, isagu soo dhowaanshaha labadda dal waxay ka saacidi lahayd kobaca dhaqalaha labadda dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.