Home Afsomali Safaaradda Mareykanka oo ka Digtay Weeraro Cirka ah oo LAga CAbsi QAbo...

Safaaradda Mareykanka oo ka Digtay Weeraro Cirka ah oo LAga CAbsi QAbo in ay ka Dhacaan Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka oo ka Digtay Weeraro Cirka ah oo LAga CAbsi QAbo in ay ka Dhacaan Muqdisho.

Sida lagu shegay qoraal ka soo baxay safaaradda, digniintan ayaa keentay in dhammaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka la hakiyo ilaa amar dambe.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa weli ku adkeysanaysa talo-bixinteeda safarka ee heerka Afraad—oo ah “Ha u safrin”—sababtoo ah khataraha joogtada ah ee ay ka mid yihiin dambiyada, argagixisada, kacdoonada gudaha, khataraha caafimaad, afduubka, iyo burcad-badeednimada.

Digniintani waxay si adag uga digaysaa muwaadiniinta Mareykanka inay safar ku tagaan Soomaaliya.

Safaaradda Mareekanka oo ka Digay weeraro Cidka ah oo ka Dhici kara Muqdisho.

Sida ay sheegtay safaaradda, kooxaha argagixisada waxay sii wadaan qorsheynta afduubyo, qaraxyo, iyo weerarro kale, kuwaas oo badanaa dhacaya iyada oo aan la sii sheegin.

Meelaha la beegsan karo waxaa ka mid ah, sida ay safaaraddu sheegtay; Garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, xarumaha dowladda iyo kuwa milatariga, hoteellada, maqaayadaha, iyo xarumaha ganacsiga, goobaha ay ku badan yihiin dadka reer Galbeedka, kolonyo ay leeyihiin dowladda, milatariga, iyo safaaradaha shisheeye.

Noocyada weerarrada la filan karo waxaa ka mid ah qaraxyada baabuurta lagu xiro, weerarrada is-miidaaminta, toogasho lala beegsado shaqsiyaad gaar ah, iyo hoobiyeyaasha.

Iyadoo khatarta sii kordheyso, safaaradda ayaa xusuusisay muwaadiniinteeda inaysan bixin karin adeegyo degdeg ah, maadaama aysan Soomaaliya ku lahayn xafiis qunsuliyadeed oo rasmi ah.

Safaaradda Mareykanka ayaa ku boorrisay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya inay muujiyaan feejignaan sare iyo taxaddar.

Digniinta Mareykanka ayaa timid ayada oo toddobaadyadii dhowaa ay dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Shabeellaha Dhexe ee deriska la ah Muqdisho Waxaana WArbixintaan Qortay Idaacadda VOA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.