Home Afsomali Safiir iscasilay sababta iyo dalka uu joogay

Safiir iscasilay sababta iyo dalka uu joogay

Safiir iscasilay iyo sababta

te: 22/05/2023
Ku: Madaxweynaha JFS
Ku: Ra’iisul Wasaaraha JFS
Ku: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Isk. Caalamiga
Ujeedo: Gudbin Iscasilaad.
Anigoo ah Mudane Salim Macow Xaaji ahna safiirka Somaliya u fadhiya dalka Sacuudi Arabia,
waxaan halkan ku cadeynayaa qodoba hoos ku qoran:
1. In leyga reebey ka qeybgalka shirka 32aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada
Jeddah maalinta 19ka May, 2023. Arintan waxey baalmar ku tahay curfiga diplomaasiyada
caalamka oo ah in Safiirka dalka martida loo yahay inuu ka mid noqdo shirarka lagu
qabanaayo dalkaasi ee uu madaxweynaha ka qeyb galaayo.
2. In madaxa protokoolka Madaxweyna Hinda Culosow iila dhaqantey si akhlaaq xumo ah,
iina geysatey aflagaado. Arintaasi oo aan la socodsiiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda oo
asagana ka gaabsadey inuu arintaasi faragelin ku sameeyo.
3. In leyga ilaalinaayey inaan si gaar ah u arko madaxweynaha oo mar kastaba leyga hor
istaagaayey inaan u galo meesha ay wafdiga intooda kalena si toos ah loogu fasaxey.
Hadaba anigoo ilaalinaayo sharafteyda iyo karaamadey, iyo anigoo tixgelinaayo sharafta
dowladnimada iyo dibloomaasiyada waxaan go’aan ku gaarey inaan iska casilo xilka danjiraha
dalka Sacuudiga laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay May 22, 2023. Waxaana xilka ku wareejin
doonaa ku xigeenka danjiraha Mudane Abshir Warsame Diirshe inta laga magacaabaayo qof kale.
Mudane Saalim Macow Xaaji
Danjiraha Somaliya ee dalka Boqortooyada Sacuudi Arabial

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.