Home Afsomali Safiirka mareykanka oo ugu cagli celiyey Wasiir beyle fadlan lacagta maqan meel...

Safiirka mareykanka oo ugu cagli celiyey Wasiir beyle fadlan lacagta maqan meel ku sheeg

Wasiirka Maaliyada Mr.Cabdirahman Bayle oo dhowaan la kulmay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee Daneeya Arrimaha Somalia uuna ka ahaa Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Yamamoto ayaa kulankaas loogu sheegay in uusan waqti ku lumin diffaca iyo eedaynta Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka, gaar haan qaabka ay ku timid warbixinta Gudiga Maaliyadda balse uu la yimaado cadeeymo muujinaya qaabka ay lacagta ku baxday, cida bixisay iyo dhamaan dokumenti cadeyn ah.

Safiirka ayaa u sheegay in sharafta Dowlada iyo tan Wasaradda ay ku jirto in ayan baarlamaanka la dagaalin laakiin ay la yimaadaan cadeeymo.

Mr.Yamamoto ayaa yiri “eeda Barlamaanka waxa ay ku xirmi kartaa idinka oo keena cadeeymo iyo qoraalo raad raac leh oo la si sharci ah uga jawaabayo eedeyanta baarlamaanka” safiirka ayaa ku daray “waxa ka muuqato isdifaac aan muhim ahayn kaas oo keenay in shaki badan abuurmo”

Wasiir Bayle ayaa carabaabay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kuwaas oo uu ku edeeyay in ay isaga lacag waydiisteen si ay ayan uga horimaan howlaha Wasaaradda. Wasiirka ayaa iyada oo maldahan oo aan toos ahayn oo ay ku jirto asluub waxaa loogu sheegay in ay dhibatada ka jirga gudaga dowladda Soomaaliya ay dhexdiida xaliso lana isticmaalo hay’adaha cadaalada. Waxaa yaab ku noqotay dadka shirka fadhiyay in uu Wasiir sheego magacyo xildhibaano isaga oo u dacwoonayo wadamo shisheeye.

Safarka uu Bayle ku tagay Neyroobi ayaa ujeedadeedu ahayd in beesha caalamka oo welwel ka muujisay musuqa baahay ee ka dhex jira Dowladda iyo madaxda sare inuu ku qanciyo in ayan jirin musuqmaasuq, balse waxaa loo sheegay in Mr.Kheyre uu soo gaaro Magaalada Nairobi si wax looga weydiiyo Arrimaha Dhaqaalaha la lunsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.