Home Afsomali Safiirka talyaaniga oo kulan la yeeshay gudoomiye Ku xigeenka aqalka sare sanator...

Safiirka talyaaniga oo kulan la yeeshay gudoomiye Ku xigeenka aqalka sare sanator Cali shacbaan


Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo xafiiskiisa Aqalka Sare kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal Hambalyo ah oo ku aadan Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare iyo Safiirka ayaa Bogaadin kadib ka wada hadlay arrimaha Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya iyo sidii loo dedejin lahaa si dalku u helo xasilooni siyaasadeed.

Waxay sidoo kale wada hadleen in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo gaar ahaan sidii labada Baarlamaan u yeelan lahaayeen xiriir wadashaqayn iyo isweydaarsi xirfadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.