Home Afsomali Salaad darbi oo ka qeybgalay tababar loo xirayey Ciidan ka tirsan ururka...

Salaad darbi oo ka qeybgalay tababar loo xirayey Ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliya ( DAAWO SAWIRAD

Ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar u socday muddo saddex bilood ah loogu soo xiray madaxtooyadda Soomaaliya.

Munaasabadda tababarka loogu soo xirayay ciidanka waxaa kasoo qayb galay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, saraakiil ka socda ciidanka xoogga dalka, wasiiru dowlaha madaxtooyadda Cabdulqaadir Shekh Cali Baqdaadi, Agaasimaha hab-maamuuska xafiiska madaxweynaha mudane Siciid Kampala iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha ciidanka ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda G/dhexe Xassan Aadan Dhicisow ayaa sheegay ciidankan oo tiradoodu tahay 129 askari la baray qaybaha kala duwan ee daruusta ciidanka, kuwaaasi oo 30 ka mid ahna si gaar ah loogu tababaray iney bixiyaan salaan sharafta.

Wasiiru dowlaha madaxtooyadda Cabdulqaadir Shekh Cali Baqdaadi ayaa sheegay inay muhiim tahay in kor loo qaado aqoonta ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwooda ilaaliya madaxtooyadda, wuxuuna sheegay maadama ay qaateen daruusta kala duwan ee ciidanka ay muhiim tahay cilmiga kale in la baro, si ay u noqdaan ciidan ku dayasho mudan, wuxuuna sheegay inay yihiin ilaaliyaasha astaanta dalka iyo dadkaba.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kasoo qayb galka xiritaanka tababarkan oo muhiimad gaar ah u leh ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay tababaro noocaan oo kale ah iney u socdaan ciidamada kale ayna mar walba diiradda u saaran tahay sidii tayada ciidanka kor loogu qaadi lahaa.

Ugu danbeyntii waxaa goobtalooga dhawaaqay in dufcadan oo ah qaybtii shanaad halkaa ku xiran tahay isla markasna la bilaabi doono dufcadii lixaad.

Tababarka ciidanka ururka 60-aad oo noqday mid joogto ah ayaa laga dareemayaa shaqooyinkooda, waxayna balan qaadeen inay ku camal fali doonaan daruusta lagu tababaray.

Fanaanka weyn ee Salaad Maxamed Shardi (Salaad Darbi) oo xiran dharka tuutaha ciidanka xoogga dalka ayaa munaasabadda ka qaaday hees uu ku dhiirigalinayay ciidanka taasoo hal ku dhigeedu ahaa ”Dhigi maayo tuutaha”.

A )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.