Home Afsomali Salaada – Fariin qof kasta oo Muslim ah ku socota

Salaada – Fariin qof kasta oo Muslim ah ku socota

Macalin ayaa weydiiyay Arday Fasalka Koowaad ee Dugsiga Hoose dhiganeysa: “Ii sheega waa kuwee kuwa aan Salaada Tukan?”
Jawaabo kala duwan oo saddex ka mid ah Ardaydaa yar yar bixiyeen waa kuwan:

  1. Kuwa dhintay!
  2. Kuwa aan garanayn sida loo tukado!
  3. Kuwa aan Muslimka ahayn!

Caruurtaa waxay dhameystireen shaqadoodi iyagoo si cajiib ah u bixiyay jawaabaha. Haddaba, ka waran qofka muslimka ah ee aan tukan? Qeybtee ayuu gelayaa:

  1. Ma qof dhintay baa?
  2. Ma wuxuusan garanayn sida loo tukado?
  3. Ma Muslim buusan ahayn?

Ma rabtaa Guul iyo Farxad? Tuko….
Sidee baan farxad u heli karnaa haddii aan ka hor nimaano Mulkiilaha farxada?
Sidee Barako ugu heli karnaa maalkeena & ubadkeena haddii aynaan adeecin Mulkiilihi Barakada awaamiirtiisi?
Sidee u Guuleysan karnaa haddii aynaan Masjidka aadin marki aan maqalno “U kaalaya Guusha”

Haddaba,
Haddii aad rabto Guul & Farxad Aduun & Aakhiraba – Tuko.
Haddii aad daalan tahay, xanuunsan tahay ama dhibaateysan tahay –Tuko.
Hadaa dhaqaale badan ama nolol fiican heysato – Tuko.
Haddii Jihada kaa qaldan tahay – Tuko.
Haddii shaki kugu jiro, rajadana kaa xun tahay – Tuko.
Haddii aad ku jirto duruuf qalafsan xalna aadan heyn – Tuko.
Wax kastoo aad sameyso, meel kastoo aad joogto, xaalad kastoo aad ku sugan tahay – Tuko.
Marnaba Salaada ha ka tagin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.