Home Afsomali Saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Dhismaha Xerada maslax  oo la weeraray

Saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Dhismaha Xerada maslax  oo la weeraray

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaa ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhiga weyn ee Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Xerada Maslaxa ee kutaalla Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Dad ku sugan Suuqa Xoolaha ayaa sheegay in dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamada AMISOM & Al-Shabaab Xerada Naslax, waxaana degmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa & Deeyniile laga maqlayay dhawaqa rasaas ay isku ridayeen labada dhinac.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad kuna sugan Xaafada Suuqa Xoolaha ay u gurmadeen Ciidamada AISOM, waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalka wallow aan faah faahin laga helin maadaama ay aheyd xilli habeen ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Aaga Xerada Maslaxa ayaa sheegaya in xaaladda ay degan tahay, isla markaana ay si caadi ah u Shaqeeynayaan Gaadiidka isticmaala wadada hormarta Xerada Maslax ee aada dhinaca Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Xerada Maslax ayaan weli faah faahin dagaalka, hayeeshee dhowr jeer ayaa sidaan oo kale weerar loogu qaaday.

Previous articleLaftagareen: “Baarlamaanka waxaa kamid ah Janano oo Markii Maamulada kale ay keeneen aan kusoo darnay”.
Next articleSoomaali kunool dalka Canada oo la tarxiilayo iyo Sababta ka dambeesa oo la ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.