Home Afsomali Saraakiil Ciidan oo lagu xirey Xabsi Muqdisho ku yaal

Saraakiil Ciidan oo lagu xirey Xabsi Muqdisho ku yaal

 

Magaalada Muqdisho waxaa lagu xiray Taliyaha saldhigga degmada Warta nabadda Gaashaanle  Dhexe Cabdirisaaq Soomane Xuseen iyo labo sargaal kale oo katirsanaa booliiska saldhigaasi ka howl gala.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa amartay in lasoo xiro Taliyaha Saldhiga Degmada Warta Nabad iyo sidoo kale Alifle Cabdi Cumar Isaaq taliyaha Baarista Dambiyada Saldhiga Warta Nabada iyo Kormeere Labaad Cabdifitaax Maxamuud Cabdi.

Saraakiishan katirsan booliiska Soomaaliya ayaa lagu heestaa in ay qaateen lacago laaluush ah, waxaana ku socda baaritaano ku aadan lacagaha laaluushka ay qaateen iyo eedeymo kale.

Dowlada Soomaaliya ayaa hada bilowday dagaal ka dhan ah Musuq maasuqa , waxaana dhawaan la xiray Kaaliye katirsan Maxkamada gobolka Banaadir iyo saraakiil booliis oo lagu eedeeyay lacago laaluush ah ay qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.