Home Afsomali Saraakiil iyo Ciidamo kusoo dhaawacmay dagaalka Guriceel oo Muqdisho la keenay

Saraakiil iyo Ciidamo kusoo dhaawacmay dagaalka Guriceel oo Muqdisho la keenay

Magaalada Muqdisho waxaa lasoo gaarsiiyay saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo kusoo dhaawacmay dagaalka culus ee ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduuid.

Sida aan wararka ku heleyno dhaawacyada magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyay ayaa ah kuwa xaaladooda adag tahay waxna looga qaban waayay isbitaalada kuyaala magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb.

Dhaawacyo la keenay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qaaday diyaarado, waxaana dhaawacyada la dhigay laguna daaweenayaa qaar kamid ah isbitaalada ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Isbitaalada kuyaala Guriceel iyo Dhuusomareeb ayaa sidoo kale lagu daweenayaa qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Guriceel ee u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dagaalka ka socda magaalada Guriceel ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dagaalka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ku jira saraakjiil ciidan oo dagaalka hogaamineysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.