Saraakiil katirsan ciidamada milatariga dalka Uganda qeybna ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS, ayaa laga eryay shaqada ciidannimo, waxaana saraakiishan lagu helay in ay yihiin fuleeyaal aan gudan karin waajibka ciidannimo.
Maxkamad ay leeyihiin ciidamada dalka Uganda oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa labo sargaal ammartay in shaqada laga eryo, waxa ayna maxkamadda saraakiishan ku heshay in ay yihiin fuleyaal aan shaqadooda kasoo bixi karin.
Labada sargaal ee shaqada laga eryay oo lagu kala magacaabo Korneyl Deo Akiki iyo Major John Oluka ayaa kamid ahaa ciidanka Uganda kasoo jeeday ee ka bad baaday weerarkii Al Shabaab ku qaadeen xerada Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Maxkamadda ciidamada Uganda ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa dhageysatay in saraakiishaasi la siiyay digniin ku aadan weeraro ku soo wajahan, balse ay ku guuldareysteen inay ka hortagaan weerarkaasi.
Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidamada ATMIS ee Buula Mareer ayey ku dileen in ka badan 50-askari oo katirsanaa ciidamada Uganda, halka ay ku qaateen Al Shabaab hub iyo agabyo kala duwan oo ciidan.
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa si weyn uga carrooday falcelinta ciiankiisa weerarkii Buula Mareer, waxa uuna ciidankaasi ku sifeeyay qaarkood in ay ahaayeen fuleyaal ku cayaaray magaca ciidanka Uganda.