Home Afsomali Saraakiil Mareykan ah oo dalbaday in la kordhiyo duqeymaha lala beegsado Al-Shabaab

Saraakiil Mareykan ah oo dalbaday in la kordhiyo duqeymaha lala beegsado Al-Shabaab

 

Saraakiil Mareykan ah oo dalbaday in la kordhiyo duqeymaha lala beegsado Al-Shabaab

Taliyayaasha milateriga ee Maraykanka ayaa lagu soo warramayaa in Madaxweyne Biden ay ka codsadeen inuu dib ugu celiyo Soomaaliya boqolaal kamid ah ciidanka sida gaarka ah ee u tababaran ee dalkaas<span;>.

Cutubyo ka tirsan milateriga Maraykanka ayaa muddo sanado ah saldhigyo ciidan ku lahaa gudaha Soomaaliya, waxaana ay dowr muhiim ah ka qaadan jireen la dagaallanka Al-Shabaab. Ciidamadaas ayuu Maraykanka la baxay bishii January 2021, kadib amar uu bixiyay Donald Trump oo xilligaas xukunka ka degayay.

Ciidamada uu Maraykanka kala baxay Soomaaliya ayaa hadda ku sugan waddamada Jabuuti iyo Maraykanka, halkaas oo marar qaar ay qaadaan duqeymo ka dhan ah xooggaga Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya.

“Tan iyo markii ay ciidamada Maraykanka ka soo baxeen Soomaaliya, waxaan ogaanay inay sare u kaceen hawlgallada Al-Shabaab, oo sida ay doonaan u socon karaan dagaalyahannada ururkaas. Marka waa loo darsaday ciidamada Maraykanka uu kala baxay Soomaaliya.” ayuu sarkaale sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka u sheegay wargayska The Wall Street Journal.

Sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa ka digay in haddii cadaadiska laga yareeyo Al-Shabaab ay khatar ku noqon doonaan Maraykanka iyo danihiisa gobolka.

Maraykanka ayaa duqeymo cirka ah ku beegsan jiray xooggaga Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana ay hawlgallaas aad sare ugu kaceen inta uu xukunka hayay Trump.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa sheegay in duqeymaha qaarkood ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.