Home Afsomali Saraakiisha badda ee ka kala socota 10 dal oo bariga Afrika ah...

Saraakiisha badda ee ka kala socota 10 dal oo bariga Afrika ah ayaa ku kulmay Yugandha si ay ula wadaagaan khibradaha ku saabsan sida ugu wanaagsan ee ay wax uga qaban karaan khataraha gobolka ee dhinaca badda.

Tababar heer gobol ah oo ku saabsan hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta badda ayaa laga furay Uganda

Saraakiisha badda ee ka kala socota 10 dal oo bariga Afrika ah ayaa ku kulmay Yugandha si ay ula wadaagaan khibradaha ku saabsan sida ugu wanaagsan ee ay wax uga qaban karaan khataraha gobolka ee dhinaca badda.

Qoraal militari oo laga soo saaray halkaan Talaadadii ayaa lagu sheegay in tababarka labada usbuuc ee la qabtay ay ka dambeeyeen ciidamada bariga afrika ee loo yaqaan EASF ay ujeeddadiisu tahay sare u qaadista xirfadaha wax ku oolka ah ee kartida iyo hawlgallada goobidda iyo badbaadinta.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in la rajaynayo in lagu wanaajiyo awooda ardayda si loo ilaaliyo awooda ciidamada heeganka iyo u diyaarsanaanta wax ka qabashada khataraha gobolka ee dhinaca badaha.

Maj. Gen. Gavas Mugyenyi, Kuxigeenka Taliyaha Ciidamada Cirka ee Uganda ayaa sheegay in kheyraad bini aadamnimo ay muhiim u tahay in wax laga qabto wixii caqabad ku ah badda.

Mugyenyi wuxuu yidhi saraakiisha badaha waa inay fahmaan nidaamka goobida iyo badbaadinta iyo abaabulka si ay u awoodaan isku duwida, fulinta iyo qorsheynta howlgalka bad baadinta iyo badbaadinta badaha taliska kor iyo hoos.

Kaqeybgalayaasha ayaa ka kala socda Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Somalia, Sudan iyo Uganda, oo ah martigaliyaha.

Brig. Jeneral Michael Nyarwa, taliyaha guutada badaha ee Yugaandha ayaa sheegay in EASF, oo ka mid ah shanta gobol ee Awoodda Istiraatiijiyadda Afrika ay leedahay qayb dhinaca badda ah. Wuxuu sheegay in qaybta badda ay u doorteen Ugaandha inay martigeliso maxaa yeelay waxay uxeexday qayb dhinaca badda ah si ay u sugto xeebta Muqdisho, Soomaaliya.

Uganda waxay bixisaa inta badan ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee loo soo direy Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.