Home Afsomali Saraakiisha bolice ka oo ka Shiray dilalka tooreeyada oo Muqdisho ku soo...

Saraakiisha bolice ka oo ka Shiray dilalka tooreeyada oo Muqdisho ku soo badanaya

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) ayaa Maanta kulan la qaatey Saraakiisha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir iyo Hoggaanada ay Quseeyaan Dhamaan Dembiyada Magaalada Moqdisho

S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed Kaniif Ayaa Warbixin Ka Dhageystay Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin oo Sheegey in markii laga adkaadey qoryihii Magaalada lala wareegi jirey hada ay Soo Kordheen falalka la xiriira tooreyda oo ayadana hada howl-galo laga sameyn doono

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Kaniif Ayaa ku Bogaadiyey Shaqadii Wanaagsaneyd oo ay Qabteen Ciidanka wuxuuna farey in La Qabto Dhamaan Fal dembiyeedyada Ka dhaca Magaalada lagana hortago Dhagarta Khawaariijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.