Home Afsomali Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Galgaduud oo Amaro dul dhigay shacabka...

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Galgaduud oo Amaro dul dhigay shacabka degmada Galcad

Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka lagu xoreeynayo gobolka Galgaduud ayaa kulan ay ku yeesheen duleedka magaalada Galcad waxa ay soo saareen amaro ku socda shacabka ku sugan deegaanada uu howlgalka ka socdo iyo kuwa dhulka ay dagan yihiin uu ku wajahan yahay howlgalka.

Kulankaan  oo uu shir gudoominayay taliyaha Guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cumar Cabdullahi ayna goobjoog ka ahaayeen taliye ururada kumaandooska Gorgor, Danab iyo saraakiisha hogaaminaysa ciidanka deegaanka ayaa laga soo saaray qofobaadan:

1-in aysan la macaamilin Alshabaab  shacabka si ay uga badbadaan duqaymaha iyo dagaalada lagu bartilmaameed sanayo  Xubnaha Alshabaab ee deganadaasi ku sugan

2- in ay shacabku ka fogaadaan goobaha Alshabaab joogto si ay uga nabad galaan Duqeeymaha iyo dagaalada

4-In ay la shaqeeyaan ciidanka oo soo gudbiyaan xogaha Alshabaab  iyadoo la qarinayo  xogtooda

5-Shacabka ku nool goobaha ay howlgalada ka socdaan ee gobolka Galgaduud iyo kuwa deegaanadooda lagu socdo  ha u diyaar garoobaan in ay iska dulqaadaan Alshabaab oo ay la dagaalaamaan.

Kulanka ay yeesheen Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka looga saarayo Alshabaab degaanada  gobolka gobolka Galgadud ayaa ku soo aadaya Xili Ciidamada Dawlada Federaalka ay wadaan Hawlgalo ka dhan ah Alshabaab

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.