Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa halkaasi kooxo hubeesan ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka booliiska maamulka Hirsahabelle.
Sargaalka la dilay oo lagu magacaabayay Axmed Xasan Biriq ayaa la sheegay in kooxaha hubeesan ku dileen xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, kooxdii dilka geesatay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsatay.
Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida ka howlgala magaalada Baledweyne oo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa halkaasi baaritaano ka sameeyay, ciidamada ammaanka ayaana la sheegay in ay ku guul dareesteen soo qabashada raga dilka geestay.
Dilkan ka dhacay magaalada Baledweyne ayaa imaanaya xilli ammaanka magaaladaasi qeybo kamid ah si weyn loo adkeeyay , waxaana magaalada ka socda doorashada xildhibaanada gollaha shacabka, waxaana ku sugan magaalada masuuliyiin kala duwan
Dhanka kale waqti yar ka dib Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa lagu dhex toogtay labo nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo xaafadda Howlwadaag ee magaaladaas ku dilay Axmed Xasan Biriq oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska HirShabeelle.
Waxaa lasoo bandhigay sawirrada meydadka labada nin ee la toogtay, kuwaas oo dusha laga saaray bistooladihii ay sarkaalka ku dileen.