Home Afsomali Sarkaal ka tirsan Al-shabaab iyo ilaaladisa oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab iyo ilaaladisa oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwooda sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa Howlgal  ka fuliyey tuulada lagu magacaabo Aboodan oo hoostagta magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose.

Bartilmaameedka howlgalkaas ayaa ahaa shan gaari oo ay la socdeen Al-shabaab oo halkaas marayey sida saraakiishu sheegeen.

“Ciidankii fuliyay howlgalkaas ayaa bur buriyay dhammaan gaadiidkii beegsigu ahaa, waxaa kale oo la dilay maleeshiyaadkii saarnaa gawaarida ka dib markii ay dagaallameen” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka

Dhanka kale, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorysheysan ku dilay Sarkaal magaciisu lagu soo gaabiyay Abuu Sahal iyo Shan dagaalyahan oo ilaalo u ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.