Home Afsomali Sarkaal ka tirsan Ciidanka dab-damiska Somaliland oo Biyo xireen ku geeriyooday

Sarkaal ka tirsan Ciidanka dab-damiska Somaliland oo Biyo xireen ku geeriyooday

Ciidamada Dab demiska Somaliland ayaa goordhow kasoo saaray Biyo xireenka Magaalada Gabiley Maydka Caydaruus Sheekh Cumar Ibraahim oo katirsanaa Ciidamada dam demiska, kaas dhowr iyo toban saacadood maydkiisa laga raadinayay dhaamka.

War kasoo baxay Taliska Ciidamada dam demiska Somaliland ayaa waxaa lagu yiri” Waa Geeri Xanuun badan ,ugu horayn Taliyaha ciidanka Dabdemiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ciidamada Dabdemiska  Somaliland, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii, Asxaabtii, iyo ciidamada Dabdemiska ee uu ka baxay marxuumku.

Caydaruus Sheekh Cumar Ibraahim wuxuu ka mid ahaa ciidankii lagu bilaabay ciidamada Dabdemiska gobolka Gabiley, sidoo kalena uu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Dabdemiska Gabiley, waxana la filayaa in Maanta lagu Aaso Magaalada Gibileey ee degaannada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.