Home Afsomali Sarkaal ka tirsan Daacish oo loo qabtay Qarixii uu ka badbaaday Madaxweyne...

Sarkaal ka tirsan Daacish oo loo qabtay Qarixii uu ka badbaaday Madaxweyne Buhari

Waaxda Adeega Dowladda ee Nigeria ayaa sheegtay inay gacanta ku soo dhigeen Xubin ka tirsan Kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika oo ka dambeeyey Qarixii isbuucii hore (December 29) ee lala maganaa in lagu khaarijiyo Madaxweynaha dalkaasi,  Muhammadu Buhari.

Qaraxaasi ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow Qasriga Ohinoyi ee Degmadda Okene ee Gobalka Kogi ee dalkaasi, xilli uu Madaxweyne Buhari doonayey inuu xariga ka karo Mashaariic.

Xubinta Kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika ee loo qabtay kiiskaasi waxaa magaciisa lagu sheegay C/muncim Ibrahim Otaru oo lagu naanayso Abu Mikhdadad, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Sarkaalka Xiriirka Dadweynaha ee Waaxda Adeega Dowladda Nigeria.

Xubinta Daacish-ta Waqooyiga Afrika ayaa la qabtay xilli uu baxsan lahaa, karib markii ay Ciiddanka Amaanka ka toogtaan Ciribta Lugta Bidix, iyadoo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ilaalo laga hayo.

Sidoo  kale, Hay’adaha Amaanka ee Nigeria waxay sheegeen inay bishan January 3-dii qabteen xubin kale oo ka tirsan Kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika, kaasi oo ay magaciisa ku sheegeen Saidu Suleyman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.