Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi uu ka dhacay qarax loogu xiray Sarkaal katirsan Ciidamada Hay’adda NISA, kaas oo uu ku geeriyooday.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha magaalada marka ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray oo ku dhintay Sarkaalka katirsan Ciidanka NISA oo lagu magacaabi jiray Xasan Cusmaan Cali Biitooni, kaas oo la dhashay gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cusmaan cali ( Yariisow)
Sarkaalka ayaa xilliga gaarigiisa uu ku qarxayay qaraxa loogu xiray waxaa uu marayay Xaafada Horseed ee magaalada Marka, waxaana qaraxa sidoo kale ku dhaawacantay Saddex Askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.
Laamaha Amniga iyo Maamulka Magaalada Marka ayaan weli ka hadlin qaraxa lagu dilay Sarkaalka Ciidamada NISA ka tirsanaa, kaas oo can ka ahaa magaalada marka iyo degaannada hoostaga, waxana xusid mudan in horay qarax ismiidaamin ahaa loogu dilay Guddoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow.