Home Afsomali Sarkaal katirsan Ciidanka xoogga dalka oo lagu dilay Kismaayo

Sarkaal katirsan Ciidanka xoogga dalka oo lagu dilay Kismaayo

 

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Maanta halkaasi Nin hubeysan uu ku dilay Sarkaal katirsanaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Korneyl Maxamed Buule ayaa kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka qeybta 43aad, waxaana sababta dilkiisa kasoo baxaya warar kala duwan.

Sidoo kale wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan laamaha Amniga oo ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay ay Isla goobta kudileen Ninkii dilka u geystay Korneyl Maxamed Buule.

Sarkaalka la dilay oo aad looga yaqaanay Magaalada Kismaayo ayaa horay uga qeyb qaatay dagaalo Ciidmada xoogga dalka degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose kula galeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.