Tan iyo markii ay ciidamada Milatariga Kenya ay soo galeen gudaha dalka somaliya dabayaaqadii sanadkii 2011, ayaa waxaa bilawday weeraro Alshabaab ka fulinayaan gudaha wadankaas kuwaas oo geystay khasare naf iyo maalba leh.
Weerarada Alshabaab ee Gudaha Kenya ayaa sidoo kale cabsi galiyey ciidanka dowlada iyo shacabka Kenya, iyadoo dalkaasi uu ku jiro xaalad cabsi joogta ah oo laga qabo weeraro ka yimaada Alshabaab .
Ciidamada Dowlada Kenya ee iyagu ah kuwa loo xilsaaray ilaalinta Ammaanka muwaadiniinta Kenyaatiga ayaa ayey alshabaab la beegsadaan weeraradooda gudaha wadanka Kenya.
Hadaba qaar ka tirrsan ciidamada Kenya ayaa bilaabay inay naftooda dilaan kadib marka loo sheego inay ka hawlgalayaaan deegaanada ay inta badan ka dhacaan hawgallada.
sida u qoray Wargeyska The Istandard ee kasoo baxa wadanka Kenya ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiisha booliska wadankaas uu istoogtay kadib markii ay Dowladu ka diiday codsiyo dhowr ah oo ku aadanaa in laga wareegiyo gobolka Gaarisa oo kamid ah dhulka NFD ee ay Kenya gumaysato.
Wargeyska ayaa sheegay in sarkaalka istoogtay uu muddo 3 sano ah ka shaqaynayay gobolka NFD, kadibna uu ka codsaday dowlada Kenya in loo wareejiyo gobol aanan Gaarisa ahayn, balse dowlada ayaa codsigiisii diiday, waxaana mar kale lagu soo qoray inuu ka hawgalo saldhig boolis oo ku yaalla Magaalada Ijaara ee isla Gaarisa, saldhigaas oo hada kahor ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen.
Sarkaalka Booliska ah oo ka naxay shaqada cusub ee lagu soo qoray ayuu wargeysku sheegay inuu xabad afka iskaga dhuftay maalintii Talaadada ahayd ee lasoo dhaafay, isla goobtiina uu ku nafbaxay.
Inta aanu isdilin ayuu Sarkaalka Kenyaatiga ah waxaa uu reebay warqad qoraal ah oo uu ku sheegayo inuu aad uga xumaaday in halkii uu ka sugaayay in laga wareejiyo gobolka Gaarisa ee ay weerarada Al-Shabaab ku batteen, taas badalkeeda loosoo wareejiyay saldhig muddo dhowr biloow kahor weerar lagu soo qaaday.
Saraakiisha booliska Kenya ee gobolka NFD oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan sababaha keenay in sarkaalkani uu naftiisa dilo.
Wargeyska The Istaandar ee qoray warbixinta ayaa sheegay in arintaan ay qayb ka tahay dhacdooyin dhowr ah oo xilliyadii dambe kusoo noq-noqonayay gobolka.
Dhawaan ayay ahayd markii 12 katirsan milatariga wadanka Kenya ay ku dhinteen qarax culus oo lagula beegsaday duleedka Magaalada Dhoobleey, xilli ay ka yimaadeen dhanka deegaanka Libooyo ee gobolka NFD ayna kusoo wajahnaayeen gudaha Soomaaliya, waxaana dhimashadaan u dambeysey ay walaac iyo buuq badan ka dhalisay gudaha wadanka Kenya.