Home Afsomali Sawirada Diyaarad looga shakisan yahay in lagu dhufta gantaalada garabka laga rido...

Sawirada Diyaarad looga shakisan yahay in lagu dhufta gantaalada garabka laga rido oo ku burburtay Bardaale

Diyaarad ay leedahay Shirkadda African Express ayaa ku soo kacday magaalada Baydhabo  waxayna u kireysbey Hey’adda siday agab ICRC.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay qaabka ay ku burburtay diyaarada, waxaana wararka qaar sheegayaan in lagu dhiftay Saalbada ka dhacda qoriga Baasuukaha ka dibna iyada oo ololeysa dhulka ku dhacday.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda African Express ayaa sheegay inay u badan tahay in diyaarada gantaal lagu dhiftay ay sababtay diyaaraddu burburto.

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Adan Ibbi oo ka mid ah milkiilayaasha diyaaradda ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen diyaarada oo labo ka mid ah ay ahaayeen duuliyeyaasha diyaarada, wakiilkii xamuulka siday iyo wakiilka shirkadda.

Sidoo kale waxaa uu soo bandhigay sawir laga qaaday satelite oo muujinaya in diyaarada gantaal  lagu dhiftay, xilli diyaaradda 5KM u jirtay Runway-ga garoonka diyaaradaha Bardaale.

Muuqaalo laga soo qaaday diyaaradda ayaa la arkayay qiic iyo holac ka baxayay goobta ay ku burburtay diyaaradda. Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay inay baarayaan sababta dhabta ah ee keenay burburk.a diyaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.