Home Afsomali SAWIRO:-Banaanbax looga soo horjeeday Al-Shabaab oo ka dhacay Magaalada Jigjiga

SAWIRO:-Banaanbax looga soo horjeeday Al-Shabaab oo ka dhacay Magaalada Jigjiga

 

Boqolaal kamid ah Shacabka Magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa Maanta halkaasi ka dhigay banaanbax ay  ku taageerayaan Ciidanka liyuu Boolis, isla markaana ay uga soo horjeedaan Ururka Al-Shabaab.

Dadweynaha banaanbaxayay oo isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Jigjiga ayaa waxaa ay cambaareeyeen weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen meelo kamid ah dowlad degaanka, iyaga oo sidoo kale sheegay inay taageero la garab taagan yihiin Ciidamada Federaalka Itoobiya & kuwa liyuu Boolis ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Banaanbaxa ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidamada Booliska dowlad degaanka Janeraal Maxamed Cali Xasan, kuxigeenkiisa Cali Cabdi Jibaar & Maamulka Magaalada Jigjiga, waxayna Shacabka uga mahad celiyeen sida ay u garab taagan yihiin Ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay muhiim tahay in Bulshada dowlad degaanka iyo Ciidamada oo is garabsanaya ay siwadajir ah isaga difaacaan cid kasta oo kusoo duusha, Isla markaana nanadgelyadooda ilaashadaan.

Dhawaan ayay aheyd markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo ka gudbay xadka Soomaaliya ay weeraraan meelo kamid ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida, hayeeshee Madaxda Maamulkaas ay sheegeen inay iska difaaceen kana guuleysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.