Home Afsomali SAWIRO:-Ciidamo ka qeyb qaadanaya la dagaalanka Al-Shabaab oo Maanta tababar loo soo...

SAWIRO:-Ciidamo ka qeyb qaadanaya la dagaalanka Al-Shabaab oo Maanta tababar loo soo xiray

 

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow ) ayaa maanta Tababar u soo xirey Dufcadii 12aad ee Ciidanka Xoogga DALKA, kuwaas oo muddo tababar ku qaadanayay Xerada UK ee magaalada Baydhabo.

Ciidamada oo kamid noqonaya Ciidamada Ururada 51aad 260aad ee Guutada 9aad Qeybta 60aad, waxaana tababarka siinayay Saraakiil ka socotay dowladda UK oo dhaqaalaha ku baxaya bixineysa.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow ) ayaa sheegay in Ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee laga fulinaya degaannada Koonfur galbeed.

Waxaa uu faray Saraakiisha iyo Ciidamada tababarka loo soo xiray inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda Shaqo una diyaar garoobaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ee dhawaan bilaabanaya.

Saraakiisha Ciidamada Ingiriiska ee tababarka bixinayay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay dadaal xoogan ku bixiyeen tababarkan ay siiyeen ciidamada, iyaga oo sheegay inay jiri doonaan Ciidamo kale oo iyana tababar loo qabanayo, kuwaas oo dhawaan uu uga furmayo Xerada tababarka ee UK ee magaalada Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loo tababaraa Ciidamo aad u farabadan oo qaar kamid ah dalalka Caalamka ay ku bixiyaan dhaqaalo farabadan ayaa hadana weli aysan ku guuleysan inay guud ahaan xaqiijiyaan amniga guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.