Home Afsomali SAWIRO:- Diyaarad ku burburtay Waddanka Tanzania

SAWIRO:- Diyaarad ku burburtay Waddanka Tanzania

Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay harada Victoria ee dalka Tanzania xilli ay isku dayday in ay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Bukoba, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Tanzania ee TBC.

TBC ayaa sheegtay in 15 qof la soo badbaadiyay ilaa hadda balse lama oga inta rakaab ah ee la socotay diyaaradda Precision Air iyo haddii ay jiraan wax dhimasho ah.

Diyaaradan oo ka soo duushay magaalada caasimadda ah ee Dar es Salaam, ayaa “ku soo dhacday harada Victoria subaxnimadii saaka, waxaana sababay duufaano iyo roobab mahiigaan ah”, sida ay sheegtay TBC.

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa ku baaqday in la is dejiyo, iyadoo uu socdo gurmadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.