Home Afsomali SAWIRO:- Saraakiil katirsan Booliska Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

SAWIRO:- Saraakiil katirsan Booliska Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi ka socda Booliiska Gaarka ee Ozil Harakat ee Dowlada Turkiga, ayaa maanta booqasho kooban ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Taliye xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, S/Guuto, Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale ee Booliiska Soomaliyeed ah ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan-Cadde ku soo dhaweeyey Saraakiisha.

Wafdigaan ayaa u yimid Muqdisho  in ay booqdaan, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo ay Dowladda Turkigu tababarto.

Wafdiga oo ka koobnaa Afar Sarkaal ayaa dhamaantood ka socday Ciidanka Ozel Harakat. Waxeyna kala yihiin.

1: Taliyaha özel Harekat

2: Taliyaha Arimaha Dibadda

3: Taliye kuxigenka Arimaha Dibadda

Iyo Sarkaal katirsan özel harekat.

Booqashadaan rasmiga ah ayaa mudo dhan dhowr cisho wafdiga ku joogi doonaan Caasimadda Soomaaliya ee  Magaalada Muqdisho, iyaga oo kulamo la qaadan doonaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Previous articleSoomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Caafimaadka Adduunka
Next articleMaxkamadda Gobolka Banaadir oo la horgeeyay Rag loo haysto ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.