Home Afsomali SAWIRO:- Wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo

SAWIRO:- Wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo

Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur GalbeedĀ  Cabdifatax Mahad Cabdiraxmaan ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu Hoggaaminayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo ay wefdigiisa qeyb ay ka ahayeen Xildhibaanno iyo Saraakiil ka socday Madaxtooyada Qaranka.

Wafdigaan maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa Hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado in maalinta berri ah uu gaaro Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana laga dareemayaa tegitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.