Home Afsomali Sawirro Muujinayo sida ay aheyd  goobta uu ka dhacay qaraxii lagu Dilay...

Sawirro Muujinayo sida ay aheyd  goobta uu ka dhacay qaraxii lagu Dilay Xildhibaan Aamina

Waxaa xalay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ruxay qaraxyo xooggan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ayna xalay magaalada gashay jawi cabsi iyo mugdi badan .

Qaraxa lagu dilay xildhibaand Aamina Maxamed Cabdi oo ka dhacay meel ammaankeeda si weyn loo adkeeyay gaar ahaan xerada Lamagalaay ayaa khasaaraha dhimasho ee ka dhashay  ka sokow dhaliyay khasaaro bur bur oo aad u xoogan.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya bur burka dhismayaal ku yaalay goobta uu qaraxu ka dhacay iyo sidoo kale gaadiid goobta yaalay oo iyana bur bur soo gaaray.

Qaraxa lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed oo lasoo qorsheeyay ayaa ahaa mid aad u xoog badnaa, waxaana qaraxan sidoo kale ku dhintay dad kale oo goobta ka agdhawaa uu ku jiro xildhibaan hore .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.