Home Afsomali SEIT Hir-Shabeelle oo maanta Baladweyne ku qabanaya Doorashada HOP#010, HOP#030 & HOP#066

SEIT Hir-Shabeelle oo maanta Baladweyne ku qabanaya Doorashada HOP#010, HOP#030 & HOP#066

Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan oo ah Deegaan Doorashada labaad ee DG Hir-Shabeelle waxaa maanta ka dhaceysa Doorashada saddex kursi oo kala ah: HOP#010, HOP#030 & hop#066.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa diiwaangeliyay musharixiinta u tartameysa kuraastaan oo dacwad iyo khilaaf ka dhan ah uu ka taagan yahay Magaalada Baladweyne.

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa qoraal uu soosaaray waxa uu ku joojiyay doorashada saddexdaan kursi balse SEIT Hir-Shabeelle ayaa u muuqda in go’aankaan uu dhinac maray maadaama abaabulka iyo dhaqdhaqaaqa Doorashada uu wato.

Saddexda Kursi waxaa ku kala fadhiya Xildhibaannada kala ah:

HOP#010: Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi).

HOP#030: Daahir Amiin Jeesow oo qaatay shahaadada musharaxnimada.

HOP#066: Cumar Cismaan Waasuge oo qaatay shahaadada musharaxnimada.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal Axmed Safiina oo xalay waqti dambe la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la saxay khaladaad ka jiray habraaca Ergada sidaas awgeed Doorashada kuraastaas dib loo fasaxay inkasta oo xaanshida hakinta aan laga saarin bogga FEIT.

“Annaga oo ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal waxa aan bulshada Soomaaliyeed, Ergada & musharixiinta ku tartamaya HOP#010, HOP#30 & HOP#066 ku wargelineynaa in la saxay habraaca qayb ahaan u dhinneed kaddib markii aan go’aansanay in la shaqeeyo xili habeen ah loona dhammeystiray, Doorashadu waxa ay dhaceysaa Salaadda Duhur kaddib sidaas awgeed musharixiintu waa in ay usoo diyaar-garoobaan” Sidaasi waxaa Warbaahinta u sheegay Axmed Safiina.

Previous articleDoorashada Kuraastii ugu Dambeesay ee taallay Koonfur Galbeed oo la shaaciyay
Next articleNinkii wadnaha doofaarka lagu rakibay oo geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.