Home Afsomali Senator Jawahir Ahmed Elmi oo si walaaltinimo ah ugu baaqday in la...

Senator Jawahir Ahmed Elmi oo si walaaltinimo ah ugu baaqday in la joojiyo Banaanbaxyada rabshadaha wato iyo isdilka ka socda Baydhabo

BAAQ.

sanator Jawaahir Axmed Cilmi oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka sare ayaa u soo jeedisay dadka walaalaha ah ee reer beydhabo in ay joojiyaan dhiiga qubanaya ayna klhilaafka ka dhameeyaan sida ay qabto diinta islaamku

Waxaan halka uga dirayaa BAAQ Dadka Reer Baydhabo, banaanbaxa rabshadaha wata ee Ka socda Baydhabo waxaan u soo jeedinayaa in si degdeg ah loo joojiyo.

Magaalada Baydhabo waxay sameysay Horumar balaaran mudooyinka dambe, bannaanbaxa rabshadaha wata ee Ka socdana Dan uma ahan, wuxuuna Keeni karaa burburin dhismayaasha qururxda badan iyo burburinta Ilaha dhaqaale, Dagaalo,Barakac iyo Qax.

Baaqeygu waa mid walaaltinimo iyo waayo aragnimo, waxaan Mar 1aad,2aad iyo 3aad ugu baaqayaa Madaxda D/Goboleedka, Odayaasha Dhaqanka, Dhallinyarada, Haweenka iyo Waxgaradka dhammaantood iney u istaagaan joojinta bannaanbaxyada rabshadaha wata oo Isku beddeli Kara mid waxka qabashadoodu adkaato.
ALLAAH HA QABOOJIYO INSHA ALLAAH AAMIIN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.