Home Afsomali Shabakad hubeysan oo Muqdisho lagu qabtay 

Shabakad hubeysan oo Muqdisho lagu qabtay 

Howlgal qorsheysan oo  la sheegay inay hormuud ka ahaayeen Ciidanka Howlgallada gaarka ee Taliska Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ayey ka fuliyeen Degmada Kaxda iyo Deegaanka Garasbaaley ee Gobolkan Banaadir.

Howlgalka ayaa waxaa lagu sheegay in lagu soo qabtay shabakad ka hawlgali jirtay qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir iyo hub kala duwan oo iskugu jira qoryaha fudud, rasaasta Hobiyaha, Bambooyin iyo  qorayga RBG-ga ama baasuukaha.

Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in Shabakadan oo ka koobnayd rag iyo dumar ay Sirdoonka Soomaaliya burburiyeen, ayna ku dabajiraan Xubnihii ka haray shabakadan iyo qori Hobiye ahaa oo ay ummadda ku dhibaatayn jireen.

” Sirdoonka Caasimadda ayaa mar walba heegan u ah ka hortagidda khataraha cadawga argagixisada ah ee caadaystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in howlgallo laga fuliyay Magaalada Muqdisho lagu qabtay hub iyo Xubno katirsan Al-Shabaab

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.