Home Afsomali Shacab ka careysan goobo laga burburey oo saraakiil bolice ah ku dhaawacay...

Shacab ka careysan goobo laga burburey oo saraakiil bolice ah ku dhaawacay Magaalada berbera

Taliye ku xigeenka Saldhiga dhexe ee magaaladda berbera Kabtan Cabdi Muuse Alaale iyo Taliyaha Hawl-Galinta Ciidanka Booliska ee berbera ayaa waxa soo gaadhay labadoodaba dhaawacyo kala duwan markii ay dad shacab ahi dhagaxaan ku weerareen masuuliyinta ciidanka oo hawl-galo fulinayay.

Taliyaha hawl galinta booliska ee gobolka saaxil ayaa isagu qaba dhaawac ka soo gaadhay xaga madaxa,halka taliye ku xigeenka saldhiga dhexe ee berbera isna dhaawacyadiisu ay yihiin qaar ka soo gaadhay sanka iyo wajiga,waxaana xaaladooda caafimaad labada taliye lagu dabiibayaa cusbitaalka wayn ee berbera.

Dhacdadan ayaa waxa ka dambaysay ka dib markii Ay dad shacab ahi

oo diidan qaabkii looga raray goob cusub oo laga dhisayay maxkamad,waxaana ay shacabku ku doodayaan in ciidanku awood u adeegsadeen isla markaasina ay iyaguna kaga jawabeen in ay shiidaan ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.