Xili ay dalka ka jiraan abaaro ba’an oo galaaftay nolosha dad iyo duunyo farabadan ayaa waxaa shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay wasiirada wasaaradaha maaliyada, maareynta iyo musiibooyinka iyo warfaafinta waxayna sheegeen qaabka looga samata bixi karo dhibaatooyinka ay sababeen cudurada Covid-19 iyo abaaraha.
In kastoo wasiiru aynan sameyn wax balanqaad ah iyo yabooh wax loogu qaban karo dadka u baahan in ay qeyb ka helaan dhaqaalaha beesha caalamka ka sokow, dhaqaalaha dowlada ka soo gala dekedaha, garoomada iyo canshuuraha laga qaado bulshada qeybaheeda kala duwan ee ay ka tirsanyihiin
Hadaba arintaa waxaa ka hadlay wasiirada waxaana hadaladooda ka mid ahaa ookaliye in ay beesha caalamka wax u weydiiyaan
Shirkoodan jaraa’id waxa uu ku soo aadayaa xili aan maaro loo heli kareyn abaaraha iyo cudurka dilaaga ee covid-19