Home Afsomali Shan waxyaabood oo iska badalay Villa Somalia tan iyo markii uu gacanta...

Shan waxyaabood oo iska badalay Villa Somalia tan iyo markii uu gacanta ku dhigay Fahad Yaasiin


Villa Somalia waxaa ka muuqda is badal dhinacyo badan ah tan iyo markii furaheedda loo dhiibay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, 6 jeer oo aan booqday gurigga loogga taliyo Somalia 10-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaan darsaayay waxyaabaha sidda deg degta ah isku badalay tan iyo markii Fahad Yaasiin lagga dhigay agaasimaha madaxtooyadda.

Waxaan la hadlay howl-wadeenno badan oo ka tirsan Madaxtooyadda, 2 jeer oo aan agaasime Fahad Yaasin la kulmay intii uu xafiiska joogay oo aan la sheekeystay waxaa iiga muuqatay inuu yahay nin ay ka go’an tahay in Villa Somalia ay noqoto meel ka turjumi karta wax lagga aaminsan yahay, waxaan halkaan kusoo koobay shan is badal oo Villa Somalia ka hir galay samanka Fahad Yaasiin.

1- Dhismaha

Villa Somalia waxey aheyd meel xaafad u ah siyaasiyiin hore, caruur ay madax hore dhashay, masuuliyiin hadda xil haya iyo dad caadi ah, waxey aheyd sidda guri la kala kireysto , furaha qolkii wuxuu gaaray $5000 (shan kun oo dollar ) madaama aad heysto ilaallo lacag la’aan ah, biyo iyo koranto bilaash ah, waxaa la gaaray heer ay shaqaalaha madaxtooyaddu waayaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan.

Fahad wuxuu go’aan ku gaaray in xubnahaas lagga saaro Mdaxtooyadda oo qolalkaas la dayactiro kadibna lagga dhigo xafiisyo laggu shaqeeyo wuuna ku guuleystay taas, waxaa mudooyinkaan oo dhan gudaha madaxtooyadda meello ka mid ah ka socday dayactir.

La-taliyaal iyo waaxyo meel ay ku shaqeeyaan waayay ayaa hadda helay xafiisyo, dadkii daganaa ayaa dhamaan banaanka guryo ka dagay , tani waxey noqotay arin aad looggu amaanay Fahad Yaasin.

2-Maaliyadda

Intii aan u kuur galaayay is badaladda madaxtooyadda Somalia waxyaabaha isoo jiitay waxaa ka mid ah inuu hoos u dhacay 30% qarashkii ku bixi jiray Villa Somalia, Aamino Saciid oo ah ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda waxey ku guuleysatay iney hakiso qarash badan oo meelo cidlo ah ku bixi jiray, waxaan la hadlay shaqaalaha nadaafadda iyo kuwa cuntadda oo ii muujiyay inuu yimid isla xisaabtan adag, midbaa iggu yiri tusaale iskoobaha dhulka laggu xaaqo markii hore qiimaha laggu keenni jiray iyo midka hadda laggu keeno $10 dollar ayaa u dhaxeysa halkii xabo waana arin aad iiga yaabisay.

3-Xiligga shaqadda

Villa Somalia waxaa ka muuqata in la shaqeynaayo saacaddo dheeri ah, 2 jeer oo aan xili habeen ah tagay waxaa ii muuqday howl wadeenno badan oo shaqeynayay, xitaa agaasime Fahad xili habeen ah ayuu dad qaabilaa, waxaan ka mid ahaa dad uu habeen shaqo qaabilay. Shaqaalaha qaar oo aan la hadlay waxaan ka dareemay maqsuud badan iyo iney la jaan qaadayaan aragtidda maamulka cusub ee ah inuu qof walba masuuliyad isi saaro uuna u hogaansamo isla xisaabtanka.

4-Warfaafinta

Villa Somalia waxey muddo kadib xiriir fiican ka heshay saxaafadda ,dhamaan warbaahinta gaar ahaan TV-yadda Soomaalidda oo dhan waxaa ay matalaad ka heleen madaxtooyadda, xurumaha warbaahinta waxaa ay lee yihiin wariyaal qaas ah oo ugga soo warama madaxtooyadda, isku soo dhowaanshaha saxaafadda iyo Villa Somalia waxaa sahlay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda kaas oo markiisii hore xubin sare ka ahaa ha’yadda ka shaqeeya arimaha warbaahinta iyo sidoo kale Fahad Yaasiin oo markisii hore ahaa madaxa Tv-ga Al-Jazeera ee geeska Africa.

Tani waxey sahashay iska war qabka saxaafadda iyo madaxtooyadda, waxaa kaloo yaraaday in xoggo aan jirin oo madaxtooyadda ku saabsan la faafiyo.

5-Ku biirista Villa Somalia

Villa Somalia waxaa ay soo martay marxalad sheegeysa in mar walba ay shaqaaluhu u bataan qaraabadda madaxweynaha ama qaraabadda agaasimaha markaas xilka haya, laakiin 8dii bilood ee uu xafiiska joogay Fahad Yasin waxaa adkaatay xubin ka noqoshadda Villa Somalia, waxaa suulay dhaqankii ahaa in mar walba ay madaxtooyadda qabsadaan qoyska madaxwynaha markaas xilka haya, tani waxey noqotay arin aad looggu bogaadiyay taliska Fahad Yasin.

Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
raafac222@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.