Home Afsomali Shantii nin ee alshabaabka galay Hotel Naasa hablood 2 waxay siteen Aqoonsi...

Shantii nin ee alshabaabka galay Hotel Naasa hablood 2 waxay siteen Aqoonsi ah Ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISSA ? see Camal

Wargeys caan ah oo  kasoo baxda dalka Britten ee The Gurdian ayaa daabacday in Dagaalamayaashii Al-shabaab ee 5-ta ahaa ee gudaha u galay Hotelka Naasa hablood 2 ay gashnaayeen dharka ciidanka Nabad sugida Soomaaliya ee NISA.

kooxda hubaysan ee gudaha u gashay Hotelka ayuu wargeysa tilmaamayaa inay adeegsadeen kaararka aqoonsiga ee sirdoonka dalka si ay ugu suurta gasho galitaanka Hotelka qaraxa kadib

Dagaalamayaasha oo xirna dharka NISA  ayaan laga muujin wax shaki ah si ay gudaha u galaan Hotelka.

Wargeyska The Gurdian  aayaa wareystay Corneel Axmed Yare oo saraakiisha sirdoonka Soomaaliya ka tirsan waxana uu yiri ..Waxay haysteen kaararka aqoonsiga oo leh macluumaad cad oo ay ka mid yihiin magacyada, darajooyinka iyo sawirrada,suurta gal uma ahayn sarkaal boolis ah inuu ragaasi is hortaago ama udiido inay Hotelka galaan”

Al-shabaab ayaa shegtay masuuliyada weerarkaasi.

Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo weerarkaasi kadib fadhi yeeshay waxa ay xilalkii uga qaaden Taliyeyaashii Sirdoonka iyo Booliska Soomaaliya.

linkiga hoose ka aqriso warbixinta Wargeyska oo dhameystiran

https://www.theguardian.com/world/2017/oct/29/somalia-fires-security-officials-after-bomb-attack

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.