Home Afsomali shaqo ka eryid iyo musuq hareeyey xafiiska

shaqo ka eryid iyo musuq hareeyey xafiiska

Warar lagu kalsoon yahay ayaa inaga soo gaaray Xafiiska RW waxay sheegayaa  In Xilka laga Qaaday Xoghayaha KMG ahaa Maxamed Keynaan kadib markii lagu eedeeyey inuu abuuray muran hareeyey xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo ka dhashtay xilal uu u magacabay iyo Musuq Maasuq baahsan oo lagu helay inta uu shaqada xafiiska haaye .

Sikastaba hanoqote waxaa isa soo taraaye maalmihii lasoo dhaafay in Keynaan oo ku maqnaa safar dibada ah waxaana lagu helay Masuq Maasuq iyo Xilal uu iska magacaabay asigoo wadatashi la sameyn RW Xasan Ali Khayre isla markaana shaqada ka fariisiyey masuuliyiin markii hore oo lagu soo magacaabay digreeto Raisul Wasaare.

Xoghayaha KMG ah Maxamed Keynaan ayaa tan iyo markii ay soo shaac baxday fadeexadan loo diiday inuu galo Qolka uu fadhiisto Raisul Wasaaraha  loo xaqiijiyey, waxaana Keynaan la soo sheegayaa in Laga Cayriyey Shaqadii Uu ka haayey Xafiiska.

Sikastaba Hanoqotee Xoghaye Hore Keynaan ayaa horey u ahaa KMG waxaana lagu eedeenayaa in uu xiriiro hoose la lahaa Mucaardka kasoo horjeeda Dowlada Soomaaliya Iyo  Xukuumada kuwaas oo ah Xildhibaano Mucaarad ah iyo Siyaasiyeen iyo Maamul Gobaleedyada Qaar asigoo loo maleenayo in uu Si hoose u wada xiriiri jiray Taasina waxay meesha ka saareysaa Shaqadi laga filaaye in uu qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.