Home Afsomali Sharuudaha Musharaxiinta Galmudug Garabka Kheyre Aqriso

Sharuudaha Musharaxiinta Galmudug Garabka Kheyre Aqriso

Guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ay shaaciyeen shuruudaha laga doonayo qofka u tartamayo xilalka guddoonka baarlamanka Galmudug garabka Dowlada .

Shuruudaha guddiga ay soo saareen, oo ka kooban 8 qodob, ayaa waxaa ugu muhiimsan in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda deegaannada Galmudug, sidoo kalena uu heysto shahaado Jaamacadeed ama wax u dhigma.

Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah in ugu yaraan in uu leeyahay shansano oo khibrad hoggaamin maamul ah iyo inuusan gelin fal dambiyeed uu ku muteystay xukun maxkamadeed.

Musharaxa guddoomiyaha ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa lacag 10,000 oo dollar ah, halkan musharaxa guddoomiye ku-xigeenka koowaad laga rabo 5,000, ayada oo kan labaadna laga doonayo 2,500.

Hoos ka akhriso shuruudaha xilka guddoonka baarlamaaka Galmudug garabka Dowlada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.