Sheekh Aaadan Cabdiraxmaan Warsame (Sunne) oo kamid ahaa Culimada ugu weyn degaannada Soomaaliland kuna dhawaaqeen inuu ka baxsaday magaalada Hargaysa, todobaadyadii la soo dhaafayna la la’aa ayaa kasoo hadlay degaano ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.
Wareysi siiyay BBC-da uu siiyay, isagoo ku sugan deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab ayuu ku xaqiijiyay in uu kasoo baxsaday Somaliland, isagoo eedeyn u jeediyay madaxda Somaliland.
“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwada Islaamka iyo tarbiyada Islaamka ay igu timid carqalad xooggan oo ku wajahan howsheyda, taasoo kaga timid nidaamka ka jira meesha,” ayuu yiri.
Sheekh Aadan Suna ayaa BBC-da u sheegay in uu hadda ku sugan yahay meelaha ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.
“Hadda waxaan joogaa meel ka mid ah dalkeygii Soomaaliya, gaar ahaanna ku suntan qaybaha wilaayaadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaan dhex mushaaxayaa wilaayaadka 11-ka ah ee ay gacanta ku hayaan Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Aadan Sunne.
Dhawaan ayay ahayd in Xukuumadda Somaliland ay shaaciyeen in sheekha caanka ah uu ka baxsaday Somaliland islamarkana uu aaday dhanka koonfurta Soomaaliya.